Home arrow Siyaasadda | Somaliya arrow Madaxii Hay’adda Women Care oo Muqdisho Lagu Dilay
Halaagii Dhacay Looma Kala Harin
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:851
Date:30-11-2008
SOMALI STARZ TEAM IN SEATTLE XAWAALADA IFTIN
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:350
Date:23-11-2008
Somali Army 70´s and 80´s
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:772
Date:13-11-2008
BEST NIIKO-WAA IDILAA
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:1247
Date:13-11-2008
Ciyaarah Dhaqanka Somali, Oromo, Cafar
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:456
Date:13-11-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

What type of government should Somalia have?
 
How do you rate President Abdullahi Yusuf?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Jun 11 2008
Madaxii Hay’adda Women Care oo Muqdisho Lagu Dilay
Written by Ali Moallim   
Wednesday, 11 June 2008

Muqdisho,(insidesomalia.org)- Kooxo Bastoolado ku hubeysan ayaa maanta waxay gudaha Suuqa Bacaad ee Degmada Yaaqshiid ku dileen Madaxii Hay’adda Women Care ee Degmada Jowhar oo lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdulle Mahdi.

Markii ay kooxaha hubeysan dileen marxuumka ayaa waxaa uu iska horimaad dhexmaray Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka iyo kooxihii dilka geystay, iyadoo iska horimaadkaasna uu sababay in ay dhaawacmaan seddex ruux oo ka dhawaa halka uu iska horimaadka ka dhacay.

Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid Muxyaddiin Xasan Jurus oo dilka Marxuumkaas iyo iska horimaadkii ka dambeeyay ka hadlay ayaa wuxuu sheegay in ay baarayaan kooxihii dilkaas ka dambeeyay, isagoo sheegay in ay aad uga xun yihiin kooxihii dilka u geystay Madaxii Hay’adda Women Care Maxamed Cabdulle Mahdi.

Iska horimaadkaas kadib ayaa waxaa ku soo faafay Suuq Bacaad oo ah Suuqa labaad ee Magaalada Muqdisho Ciidamo Itoobiyaan ah oo fariisin ku leh Daarta Somali Post oo u dhow Hotelkii Towfiiq, kuwaasi oo hakad geliyay isu socodkii dadka iyo Ganacsiga ee Suuqaas.

Marxuum Maxamed Cabdulle Mahdi ayaa marka laga soo tago in uu ahaa madaxii Hay’adda Women Care ee Degmada Jowhar wuxuu sidoo kale ka tirsanaa Mas’uuliyiinta Isboortiga Soomaaliyeed, waxaana dilkiisa si weyn uga naxay Eheladiisa iyo Bulshada Rayidka Soomaaliyeed.




Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >